Dooro luqadaada
Vaccination UK Immunisation

Tallaalka Ifilada 2024/25

Waxaa laguu soo gudbiyay websaydhkan oggolaansho bixintan ah maadaama ilmahaaga laga rabo inuu qaato talaalka ifilada ee sanka laga qaato.

Sannadkan, waxaanu dhammaan carruurta siinaynaa tallaalka ifilada ee sanka laga qaato ee degdega ah oo aan xanuuna lahayn. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira tallaal bedel ah oo aan lahayn jelatinka hilibka doofaarka, tallaalkaas oo bilaash ah laguna heli karo duritaan ahaan. Tallaalku gabi ahaanba waa bilaash waxaana lagula talinayaa dhammaan carruurta jirta da'da dugsiga.

Akhri wax badan oo ku saabsan tallaalka ifilada ee sanka laga qaato ee loogu talagalay carruurta dugsiga halkan.

Fadlan buuxi foomka xitaa haddii aadan rabin in ilmahaagu qaato tallaalka ama haddii ay ka heleen meel kale.

Haddii aad wax su'aalo ah qabtid, hoos ka akhri Su’aalaha Inta Badan La Isweydiiyo (FAQs).


Halkan ka bilow

Warqad la'aan loogu talagalay meeraha

Waxaan aaminsanahay ilaalinta deegaanka, tanina waa hab cad oo lagu dhimayo isticmaalka waraaqaha.

Yareynta isticmaalka warqadaha waxay sidoo kale yaraynaysaa khatarta caabuqa waxayna idin sahlaysa hannaanka ogolaansho bixinta adiga, ilmahaaga, dugsiyada iyo kooxdeena.

Oggolaansho bixinta waxaa laga dhigey mid fudud

Waxaad heli doontaa iimaylka xaqiijinta markaad dhamaysato oggolaansho bixinta sidoo kale waxaad heli doontaa ogeysiis ku saabsan xaaladda tallaalka ee ilmahaaga marka ay tallaalaan kooxdeena.

Su'aalaha Inta Badan La Isweydiiyo

Eeg su'aalaha inta badan la is weydiiyo.

Xulo qaybta su'aalaha:
  • Ilmahayga ma u gayn karaa GP-ga si loo soo tallaalo?

    Guud ahaan dhammaan tallaallada la siiyo carruurta jirta da'da dugsiga waxaa bixiya kooxda tallaalka dugsiga.

    Dhakhaatiirta guud/GP-yada waxay tallaali karaan ilmaha haddii ay jiraan xaalado gaar ah, laakiin badanaa waa haddii ilmuhu seego tallaalkooda ka dib sannad dugsiyeedkii la rabay in la tallaalo ilmaha.

    Marmar, kooxdu waxay codsan kartaa in talaalka uu bixiyo GP-ga haddii loo maleeyo inay sidaas ku habboon tahay.

  • Maxaa dhacaya haddii aan dhaafo 'taariikhda kama dambaysta ah ee oggolaansho bixinta' laakiin aan weli rabo in ilmahayga la tallaalo?
    Mar kasta oo ay suurtogal tahay, kooxdu waxay bixin doontaa fursad tallaal bixin oo labaad, waxayna ku bixin doonaan dugsiga ama rugta bulshada. Fadlan si toos ah ula xiriir kooxda si aad u hesho wixii macluumaad dheeraad ah. Haddii aad ilmahaaga u geyso GP-ga, fadlan kooxda isla markiiba u sheeg.
  • Maxaa dhacaya haddii aan beddelo maskaxdayda/go’aankayga ku saabsan in ilmahayga la tallaalo ka dib marka aan gudbiyay oggolaanshaha?
    Waa muhiim inaad si degdeg ah ula xiriirto Kooxda Tallaalka oo aad la hadasho xubin ka tirsan shaqaalaha. Waxaan sidoo kale kugula talineynaa inaad la xiriirto dugsiga haddii kalfadhiga tallaalka uu yahay mid qorshaysan 72-ka saacadood ee xiga gudahood.
  • Maxaa dhacaya haddii ilmahayga uusan ku jirin dugsi?
    Kooxdu waxay ku farxi doonaan inay ilmahaaga ku qaabilaan mid ka mid ah rugaheena bulshada. Fadlan la xiriir kooxda si aad ugala hadasho baahiyahaaga.
  • Kawaran haddii ilmahayga uu qabo xaalad caafimaad?
    Waxaa jira carruur aad u tiro yar oo aan qaadan karin tallaalkooda. Si kastaba ha ahaatee, haddii ilmahaaga uu qabo xaalad caafimaad, waxaa suurtogal ah idin waydiino adiga ama GP-giisa ama la-taliyaha ilmahaaga wixii macluumaad dheeraad ah si loo xaqiijiyo inay badbaado u tahay inay qaataan tallaalka wakhtigan.
  • Kawaran haddii ilmahaygua uu xanuunsado ka dib qaadashada tallaalkooda?

    Qof kastaa waxyeellooyin gaar ah kalama kulmo tallaalka.
    Haddii ay la kulmaan waxyeellooyin gaar ah, waxay guud ahaan noqonayaan kuwo khafiif ah waxayna ka kooban yihiin kuwan soo socda: daal dareemis, qandho fudud, finan, jir xanuun iyo xanuunida meesha laga tallaalay.

    Haddii aad ka welwelsan tahay ilmahaaga waxaad wici kartaa 111 si aad u hesho talo caafimaad oo aan degdeg ahayn ama la xiriir xarunta GP-gaaga.

    Xaaladaha degdegga ah, fadlan wac 999.

    Talooyin dheeraad ah ayaa laga heli karaa: https://www.nhs.uk/vaccinations/child-flu-vaccine/

    Wac 111 si aad u hesho talo caafimaad oo aan degdeg ahayn iyo 999 haddii ay jirto xaalad degdeg ah.

  • Ka waran haddii ilmahayga uu xanuunsan yahay maalinta tallaal qaadashada?
    Haddii ilmahaaga uusan qabin caafimaad ku filan oo uu ku imaan karo dugsiga, markaas kooxdeena waxay samayn doonaan qabanqaabo ay ku arki karaan ilmahaaga marka xigta ee aan soo booqano dugsiga. Guud ahaan, haddii ay qabaan caafimaad ay ku imaan karaan dugsiga, inta badan waxay qabaan caafimaad lagu tallaali karo. Si kastaba ha ahaatee, haddii ilmahaagu ka soo kabanayo jirro daba-dheeraatay ama caabuq dhawaan ku dhacay, kalkaalisada ayaa laga yaabaa inay go'aansato inay dib u dhigto tallaal siinta ilaa ay si buuxda uga bogsanayaan. Tani waxaa loogu talagalay in lagu xaqiijiyo in isbedel kasta oo ku yimaada caafimaadkooda aan si khaldan loogu nisbayn tallaalka.
  • Halkeen ka heli karaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan tallaallada?

    Waxaad macluumaad dheeraad ah ka heli kartaa Websaydka NHS choices. Haddii kale, waxaad la hadli kartaa GP-gaaga, kalkaalisada caafimaadka ama xubin ka tirsan kooxda tallaalka.

  • Waa maxay sababta aad ugu baahan tahay taariikhaha tallaalka ee hore?
    Waxaan ku weydiinaynaa macluumaadkan kaliya haddii loo baahan yahay si loo xaqiijiyo muddooyinka u dhaxeeya tallaalada. Fadlan ogow in aanan heli karin diiwaanka GP-ga ee ilmahaaga, sidaas darteed waxaa laga yaabaa inaanan ka warqabin taariikhdoodii hore ee tallaalka marka laga reebo haddii aad adiga noo sheegto.
  • Waa maxay sababta aad u raadinaysaa in ilmahayga uu qaatay 2 qiyaasood oo MMR ah?

    Jadeecada ayaa mar kale ku soo badanaysa gudaha UK.Waxaa naloo wakiishay inaan bixinno oo aan tallaalka MMR siino dhammaan carruurta aan horay u qaadan 2 qiyaasood oo tallaalkan ah. Sidaa darteed, haddii ilmahaaga uusan qaadan qiyaasta marka uu jiray ku dhawaad 1 sano ka dibna mar labaad markuu jiray da'da dugsiga xannaanada, waxaa laga yaabaa in ilmahaaga aan si buuxda u haysan difaac. 

    Haddii aadan hubin in ay qaateen labada qiyaasood, fadlan MAYA ku qor jawaabtan oo kooxdeena ayaa kula soo xiriiri doonaan si ay arrintan kaagala hadlaan oo ay ilmahaaga u siiyaan tallaalka inta lagu jiro booqashadeena.

  • Ma jiraan carruur ay tahay inaan la siinin tallaalka sanka lagu buufiyo?

    Waa inaad noo soo sheegtaa haddii ilmahaaga uu qabo mid ka mid ah waxyaabahan soo socda:
    Xasaasiyad aad u daran oo ka dhan ah ukunta, borotiinnada ukunta, jentameciinka ama jelatiinka – waxaa muhiim noo ah inaan ogaano haddii ilmahaaga la seexiyay isbitaal sabab la xiriirta xaalad caafimaad oo loo yaqaano ‘anaphylaxis’, oo ay kiciyaan waxyaalahan aan soo sheegnay.

    Hadda xiiqsan yihiin ama ay xiiqsanaayeen 72-kii saacadood ee la soo dhaafay.

    Waxaa jira tallaal kale oo loogu talagalay ifilada/hargabka oo aan kaala hadli karno si aan u xaqiijiyo in ilmahaaga uu helo difaac sida ugu dhaqsaha badan.

    Ay helayaan teerabiyada salicylate (aasbiriin) oo aan ahayn daawaynta jirka korkiisa ah ee loogu talagalay xaaladaha caafimaad ee saameeya qaybo gaar ah oo jirka ah.

    Ay qabaan xaalad caafimaad oo si aad ah u wiiqaysa habdhiska difaaca jirka.

    Ay qaadanayaan istiiriyoodhka afka laga qaato maalinta talaalka.

    Ay qaateen tallaalka tan iyo ilaa Sebtembar 2025.

    Sidoo kale, carruurta la tallaalay waa in ay ka fogaadaan inay xiriir dhow la yeeshaan dadka hab-dhiskooda difaaca uu aad u liito ilaa laba toddobaad ka dib marka la tallaalo. Tani waxaa sabab u ah inay jirto fursad aad u fog oo ah in fayraska tallaalka uu u gudbi karo dadkaas.

    Xiriirka lala yeelanayo carruurta kale ama dadka waaweyn ee caafimaadka qaba uma baahna in la xaddido ka dib qaadashada tallaalka.

  • Fayraska ifilada ee tallaalka ma loo gudbin karaa dadka kale ee aan la tallaalin? (Faafitaanka fayraska)

    Dadka aan la tallaalin khatar uguma jiraan inay si xun ula xanuunsadaan fayraska tallaalka hargabka ee la daciifiyay, ha noqoto inay ku jiraan qol lagu bixinayo tallaalka ifilada, ama ha noqoto inay xiriir la yeesheen arday dhawaan la tallaalay. Ma jiro 'ceeryaamo' fayraska tallaalka ah oo hawada u baxaysa sidaas darteed, looma baahna ilmo ama xubin ka tirsan shaqaalaha in laga saaro dugsiga inta lagu jiro xilliga tallaalka la bixinayo ama maalmaha ku sii xiga.

    Tirada aadka u yar ee carruurta sida xad dhaafka ah difaaca jirkoodu u liito (tusaale ahaan kuwa hadda laga bedelay dhuuxa lafta), ayaa durba lagula taliyay in aanay ka xaadirin dugsiga sabab la xiriirta khatarta aadka u saraysa ee ay ugu jiraan inay xiriir la yeeshaan caabuqyada kale ee ku faafa dugsiyada.

    Inkasta oo carruurta la tallaalay ay faafinayn fayraska tallaalka ilaa dhowr maalmood ka dib qaadashada tallaalka, fayrasku wuu ka awood yar yahay inuu ku faafo qof ka qof marka loo barbardhigo caabuqa dabiiciga ah. Caddadka fayraska daadanaya/faafaya ayaa caadi ahaan ka hooseeya inta loo baahan yahay si cudurka uu ugu dhex faafo dadka kale fayraskuna kuma sii noolaan karo muddo dheer meel ka baxsan jirka.

    Tani way ka duwan tahay infekshanka ifilada ee dabiiciga ah, kaas oo si fudud u faafa inta lagu jiro xilliga hargabka. Dugsiyada lagu bixiyo tallaalka sidaas awgeed, khatarta guud ee la kulmida fayraska ifilada ayaa aad loo yareeyay maadaama la tallaalayo carruurta intooda badan.

  • Ma jiraan waxyeellooyin gaar ah oo uu leeyahay tallaalka?
    Waxyeellooyinka gaarka ah waxaa laga heli karaa: https://www.nhs.uk/vaccinations/child-flu-vaccine/
  • Ilmahayga ma heli karaa tallaalka la isku duro oo aan ku jirin maadada jelatiinka?
    Haa, waxaanu bixinaa tallaalkaas oo bedel u ah tallaalka sanka lagu buufiyo. Tallaalka sanka lagu buufiyo ayaa aad waxtar u leh marka laga hadlayo yaraynta faafitaanka ifilada ee carruurta, in kasta oo ilmahaagu uu heli karo tallaalka aan ku jirin maadada jelatiinka ee la isku duro haddii aad rabto.
  • Tallaalku ma sababi karaa hargab/ifilo?
    Maya, tallaalku ma sababi karo hargab/ifilo sababtoo ah fayrasyada ku jira ayaa la daciifiyay si aysan taasi u dhicin.
  • Tallaalka sanka lagu buufiyo ma ku jirtaa maadada jelatiinka ee laga qaatay doofaarka (porcine gelatine)?
    Haa Tallaalka sanka lagu buufiyo waxa ku jira nooc si heer sare ah loo farsameeyey oo maadada jelatiinka ah (porcine gelatine), kaas oo loo isticmaalo noocyo kala duwan oo daawooyin muhiim ah. Maadada jelatiinka waxay gacan ka gaysataa in ay fayrasyada tallaalka xasil noqdaan si uu tallaalku u bixiyo ka hortagga ugu fiican ee ka dhanka ah hargabka/ifilada.
  • Sidee ayuu tallaalka sanka lagu buufiyo u shaqeeyaa?
    Tallaalka sanka lagu buufiyo waxaa ku jira fayras la daciifiyay si looga ilaaliyo inay sababaan hargab laakiin wuxuu tallaalka ka caaawin doonaa ilmahaaga inuu yeesho difaac wanaagsan. Marka ilmahaaga uu la kulmo fayrasyada hargabka/ifilada waxay si fiican ula dagaallami doonaan caabuqa. Tallaalka si dhakhso ah ayuu jirka ugaga gudbaa sanka, xitaa haddii ilmahaagu hindhiso isla markiiba ka dib marka lagu buufiyo tallaalka, looma baahna in laga walwalo in tallaalka aanu shaqaynin iyo in kale.
  • Sidee loo bixiyaa tallaalka?
    Inta badan carruurta, waxaa laga siiyaa sanka ka buufis ahaan. Waxaa sidoo kale loo siin karaa irbad/duritaan ahaan.
  • Waa maxay faa'iidooyinka tallaalka?
    Qaadashada tallaalka waxay ka caawin doontaa ilmahaaga inuu ka badbaado qaadista hargabka/ifilada. Wuxuu sidoo kale hoos u dhigi doonaa fursada ah in dadka kale ee ka tirsan qoyskaaga, kuwaas oo halis weyn ugu jira hargabka/ifilada, sida awoowayaasha/ayeeyayaasha, kuwa qaba xaaladaha caafimaad ee muddada dheer soo jireenka ah, ama walaalaha aadka u da'da yar ee aan la tallaali karin, ay ilmahaaga ka qaadaan hargabka/ifilada.
  • Waa maxay sababta ay carruurtu ugu baahan yihiin tallaalka hargabka/ifilada sannad kasta?
    Tallaalka hargabka/ifilada wuu is bedbedelaa jiilaal kasta si loo waafajiyo nooca hargabka ee wareegaya sannad kasta. Sababtan awgeed, waxaan kugula talineynaa in ilmahaagu mar kale laga tallaalo hargabka sanadkan, xitaa haddii la tallaalay sannadkii hore.
  • Waa maxay sababta ilmahayga uu u qaadanayo tallaalka hargabka?

    Hargabka wuxuu carruurta ku noqon karaa cudur aad u xun. Wuxuu socon karaa dhowr maalmood ama in ka badan; isagoo sababaya qandho, sanka oo xirma, qufac qallalan, cune xanuun, murqo xanuun iyo kala goysyada oo xanuuna, iyo daal aad u daran.

    Carruurta qaarkood waxaa ku dhici kara qandho aad u sareysa, mararka qaarna ma laha calaamadaha ifilada caadiga ah, waxaana laga yaabaa inay u baahdaan in isbitaal la dhigo si loo daweeyo.

    Dhibaatooyinka halista ah ee uu keeno hargabka waxaa ka mid ah caabuqa dhegta oo xanuun badan, boronkiito aad u ba'an, oof-wareen iyo dhimasho.

  • Miyaan helayaa koobiga foomkayga oggolaansho bixinta?
    Markaad gudbiso oggolaanshaha waxaad heli doontaa iimayl si aan kuu ogeysiiyo inaan helnay oggolaanshahaaga. Fadlan hubi galka spamka/junkiga ee iimaylkaaga haddii aadan helin.
  • Sideen u soo gudbin karaa codsi taageero farsamo?
    Fadlan iimayl noogu soo support@riviam.zendesk.com Fadlan iimaylan haku soo qorin wax tafaasiil shakhsiyeed ah maadaama iimaylkani aan loogu talagalin arrimo caafimaad.
  • Kawaran haddii aan u baahanahay inaan macluumaadka ku helo qaab kan ka duwan?
    Fadlan la xiriir kooxda tallaalka kuwaas oo awoodi doona inay ku caawiyaan.

Nala soo xiriir si aad u hesho jawaabo dheeraad ah

Haddii aad wali wax su'aalo ah ka qabtid adeegeena ama tallaallada, fadlan nala soo xiriir adigoo adeegsanaya macluumaadka hoose..

Iimayl nooga soo dir Enfield@v-uk.co.uk.

Vaccination UK Immunisation

Copyright © 2025 RIVIAM.Dhammaan Xuquuqaha Way Dhawrsan Yihiin.

Linkiyada Degdegga ah
Siyaasadda Qarsoonnimada Xogta

Copyright © 2025 RIVIAM.Dhammaan Xuquuqaha Way Dhawrsan Yihiin.